U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Danjiraha Midowga Afriga Ee Soomaaliya Oo Arimo Badan Ka Wada Hadlay

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidRa’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arimo badan ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Danjire Mamadu Sidiku ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa uu uga horeyn uga warbixiyay shaqooyinka ay ciidamada AMISOM ka hayaan Soomaaliya iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin Nabadeynta Soomaaliya, Dhismaha iyo taakuleynta ciidamada Dowladda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalada dalka ay ka wadaan ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka ah si loo gaaro hiigsiga 2016, gobalada dalka oo dhanna laga dhaqan geliyo.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa sheegay in lagama maarmaan ay tahay gacan siinta ciidamada AMISOM ee ku aadan sidii loo balaarin lahaa ciidamada Booliiska si ay ula wareegaan amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo sidoo kale isku dhafidda ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale waxyaabaha ay ka wada hadleen Ra’’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo sidoo kale Danjiraha Midowga u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mamadu Sidiku sidii loo dar dar gein lahaa la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News