U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ku Wajahan Kismaayo

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw ina soo gaaray ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah guddigii dhawaan xukuumadda ay u xilsaartay arimaha ku aadan baarlamaanka Jubbaland, kaasi oo madax u yahay wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta laga dareemayaa diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo xubanaha la socda.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa magaalada Kismaayo safar ku tagay bishii tagtay ee May 26-keedii, ka dib markii isla bishaasi 14-keedii la magacaabay guddi qiimeeya cabashooyin ka jiray baarlamaanka Jubbaland.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan uu yeeshay 6-da bishan June waxa uu ku diiday jiritaanka baarlamaanka Jubbaland, taasi oo keentay in maamulkaasi uu isna ku dhawaaqo in xiriirka uu u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News