U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Goobjoog News Ugu Hambalyeeyay Sanad Guuradeeda Seddaxaad

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa Idaacadda Goobjoog waxa uu ugu hambalyeeya sanad guurada Sedaxaad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay Idaacadda.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sheegay in Goobjoog ay howl muhiim ah usoo qabatay Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu kula dardaarmay shaqaalaha Goobjoog in ay dardar geliyaan howsha ay bulshada u hayaan.

“Goobjoog waxaan ugu hambalyeenayaa Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay markii ay hawada soo gashay, waad dadaasheen, haddana halkiina kasii wada ayaan idin leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Maanta oo ay ku beegan tahay 14-ka July waxa ay Goobjoog News u dabaal dagaysaa Seddax Sano Guuradii kasoo wareegtay markii ay Idaacadda Hawada soo gashay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha