U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Ugu Horeeya Ee Ay Qaban Doonto Xukuumada Uu Soo Dhisayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DSC_1019Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa markii maanta uu ka helay codka Kalsoonida ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu ka hadlay arimo badan, isaga oo ugu horeyn u mahad celiyay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu hambalyo u diray Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed, Golahiisii wasiirada, ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka iyo sidoo kale dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid in uu ku shaqeyn doono wada tashiyo uu la yeesho madaxweynaha, Mudanayaasha Baarlamaanka iyo maamulada dalka ka jira.

Dhanka kale waxa uu sheegay in uu ku dadaalayo sidii loo hiigsan lahaa 2016 iyo sidoo kale in uu wax ka qabto arimo badan oo xilligaan u muuqda kuwo sidii loo baahnaa aanu u shaqeyn.

“Sida aad la socotaan marxaladda aan maanta ku sugannahay ma ahan mid sahlan, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay gaareen guulo waaweyn, hadana weli lama gaarin himiladii aan hiigsaneynay, sida aad la socotaan weli waxaa jira marxalado adag oo na horyaala oo ay ka mid yihiin dhulka kooban ee weli gacanta Al-shabaab iyo argagaxisa ku haray, cadaaladda iyo garsoorka oo aan gaarin heerkii laga rabay, barnaamijkii dhaqaalaha iyo shaqa abuurka oo weli si buuxda u hir galin, adeega bulshada oo bilaw ah welina aan gaari gobalada dalka oo dhan, dowlad wanaagii iyo tayadii hay’adaha dowladda oo weli aad u hooseeya, mudane madaxweyne, gudoomiyaha gudoonka golaha shacabka xildhibaanada sharafta leh, mudanayaal iyo Marwooyin waxaan sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhisi doonaa xukuumada sida aan sheegay ku saleysan xaaladda siyaasadeed shacabka Soomaaliyeed sida ay yihiin, iyo dhamaan dalka iyo gobalada sida ay u dhisan yihiin, barnaamijka xukuumada aan soo dhisi doono waxa uu noqon doonaa mid ku saleysan nidaamka dowlad wanaaga, isla xisaabtan, hufnaanka iyo dhowrista ku dhaqanka sharciga, waxqabadka ugu horeeya ee aynu mudnaanta siin donno waxaa ka mid ah, xasiloonida siyaasadda, dhameystirka dib u heshiisiinta, fulinta hiigsiga 2016, adkeynta amniga, hormarinta cadaaladda, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo daqliga dowladda, maamulka wanaagga maaliyadda, la dagaalanka Musuq maasuqa, kobcinta adeega bulshada, dar dargelinta dowlad wanaaga iyo dib udhisidda iyo dib u habeynta hay’adaha dowladda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Dhanka Kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka sokoow xukuumada uu soo dhisi doono in uu dar dar gelin doono helitaanka siyaasad xasiloon oo is faham leh, una dhaxeysa madaxda Federaalka heer dowlad gobaleed iyo heer qaran.

“Barnaamijka xukuumada aan soo dhisi doono ka sokoow, aniga oo kaashanaya madaxweynaha, hogaanka golaha shacabka, xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, waxaan dar dar gelinayaa helitaanka siyaasad xasiloon oo is faham leh, una dhaxeysa madaxda Soomaaliyeed ee Federaalka, heer dowlad gobaleed iyo heer qaran, si dib loogu helo kalsoonidii umadda Soomaaliyeed”

“helitaanka xasiloonida iyo isfahamka siyaasadda waxa uu laf dhabar u yahay jiritaanka qaranimada iyo dowlad-nimada maanta aynu sheeganeyno, horumarka iyo sharafta dalka iyo dadka iyo in dib loo hanto kalsoonidii umadda Soomaaliyeed, sidaa awgeed waxaa dhiira gelin doonaa  wada tashi iyo wada shaqeyn joogta ah oo dhex marta madaxda dalka, heer qaran, heer dowald gobaleed, golaha shacabka iyo shacabka dhamaan”

“Waxay xukuumada soo dhameystiri doontaa dib u heshiisiin shacabka Soomaaliyeed ah, si dhab ahna u gaarsiin doonta dalka oo dhan, inkastoo horumar weyn laga gaarey dib u heshiisiinta waqtigaan aan mareyno hadana weli ma gaarin in si buuxda shacabka Soomaaliyeed isku aaminaan iskuna cafiyaan, sidaa awgeed waxaan soo jeedin doonaa siyaasad lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta iyo wada hadalada loo marayo fulinta siyaasadda, iyadoo lala tashanayo lalana shaqeynayo golaha shacabka, maamul gobaleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan dhisi doonaa Insha Allah, gudi qubaro ah oo talo bixin kasoo jeediya siyaasadda lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta iyo habka wadada ugu haboon oo lagu fulin karo siyaasadaasi, xukuumadeyda waxay sidoo kale dar dar gelin doontaa howlaha gudiga madaxa banaan ee dib u heshiisiinta sida ku xusan dastuurka, madaxweyne, Gudoonka golaha shacabka Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan dar dar gelin doonaa fulinta hiigsiga 2016, si loo gaaro dimuqraadiyad buuxda oo waqtiga ku harsan xukuumada iyo golaha shacabka, inkastoo la gaaray hormaro fara badan hadana waxaa harsan ansixinta iyo hirgelinta sharciyo iyo gudiyo muhiim u ah fulinta hiigsiga 2016, xukuumada waxay sii wadi doontaa dar dar gelin doontaana wada tashiga iyo dhameystira dhismaha dowlad gobaleedyada KMG ee hadda harsan, ugu dambeyntii waxaan halkaan ku cadeynaa in hiigsiga 2016 iyo fulinta howlaha baaxadda leh ee na horyaala ku hir geli karaan oo kaliya wada shaqeyn, wada tashi dhexmara hogaanka dalka iyo golaha shacabka” ayuu hadalkiisa ku daray Ra’isul wasaraha.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in maalmaha soo aadan uu soo dhisi doono xukuumadiisa islamarkaana wada tashiyo uu taasi ka sameyn doono.

Halkaan Hoose ka dhageyso Khudabadda Ra’iisul wasaare Cumar Cabsirashiid.

Goobjoog News