U bood dhigaalka

Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Kula Kulmay Taliyaha iyo Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka (Sawiro Iyo War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

002Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/G Daahir Aaden Cilmi, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey R/Wasaaraha cusub booqashadiisii ugu horreeyey in uu ku yimaado wasaaradda gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in taliska ciidanka xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska ciidamadda, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

” Waxaan kala shaandhaynay saraakiisha ciidamadda, 3000 oo saraakiil iyo dabley ah ayaa shaqada laga fariisiyey, kadib markii la ogaaday in aysan kasoo bixi karin howsha qaran” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden.

Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay mudadii uu joogay Wasaaradda in isbadal muuqda la sameeyay isla markaana dib loosoo ceshay kaalintii bulshada, iyagoo kusoo biireen ciidamadda XDS aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka qeyb gala shirarka caalamka ee looga hadlayo dib-u-dhiska ciidamadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo kulanka soo xiray ayaa ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca qaranka, iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran, wuxuna kula dar-daarmay ciidanka inay waajibaadka qaran ee dalka iyo dadka ka saran si wanaagsan ugutaan.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Xoogga, waxaana taliyaha ciidanka xoogga S/G. Daahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira qaabka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado tayada Isbitaalka. Wuxuuna xusay in dadka ka shaqeeya ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen Saraakiil Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada.

010

008

007

006

005

004

003

002

001