U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar: Calanka Sharaftiisa Waa Hadba Sida Ay Midnamadeenu Tahay (Dhageysi)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xuukumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda lagu maamuusayay 61-sano guuradii kasoo wareegtay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay shacabka mar walba inay ahaadaan kuwo mideysan, kana fikira aayaha dalka iyo sharafta calanka Soomaaliyeed.

“Waxaan Idiin leeyahay Hambalyo, waa maalin farxad ah, 61 sano ka dib inaan maanta meeshii laga saaray calanka aan taagannahay oo aan u dabaal degayno calankaan, waxaan leenahay umadda Soomaaliyeed hambalyo, waxaan rabaa hambalyo gaar ah inaan u diro ciidamada qalabka sida oo sharaftii dalkaan iyo calankaan meel walba ku ilaaliyay, waxaan rabaa inaan bogaadiyo gudoomiyaha gobalka iyo dadkii soo qaban qaabiyay xafladaan, waxaan rabaa inaan ku daro calankaan markii la sameynayay xidigta waxay mataleysay Soomaali Shantii degaan ay deganeed, midabka Bluuga ah waxay ahayd cirka waxa loogu tala galayna waxay ahayd inuusan xuduud na qeybin, 61 sano ka dib maanta iyo berito hadii aan Soomaali nahay Astaanta naga dhaxeyso waa calankaas, waxaa loo sameeyay Jamhuuriyadda kaliya ma ahayn ee qowmiyad Soomaaliyeed meel walba oo ay ku nooshahay bay ahayd, anaga hadii ay tahay siyaasadda gudaha iyo midka dibadda isaga ayaa qeexay, waxaan dad kula heshiinaynay ama kula dagaaleynay waxay ahayd calankaasi, Soomaali inta ay nooshahayna calankaas ayaa astaan u ah, hadaba calanka sharaftiisa waa hadba sida ay midnamadeenu tahay, waxaa muhiim ah anaga oo nidaamkii Federaalka ah dhiseyna ayaa nalooga baahan yahay in aanay shaki gelin midnimadeena” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid in ay ku haminayaan inay arkaan dadka Soomaaliyeed oo isku tashta, canshuurta bixiya, dowladda gacan la siiyo, sidoo kalena laga maarmo kaalmo shisheeye bixiyo.

Ugu dambeyn ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay adkeeyaan dowladnimada, isaga oo hoosta ka xariiqay in waxa kaliya ee na anfacaya tahay dowladnimada.

Riix Halkaan Si Aad u dhageysato Hadalka Ra’iisul wasaaraha

Goobjoog News