U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Iyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga Oo Kulan Degdeg Ah Yeeshay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kulan degdeg ah oo ammaanka looga hadlayay waxa uu habeenkii xalay ahaa kula yeeshay magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta hay’adaha amniga.

Kulankaan oo daba socday Labadii weerar ee lagu qaaday Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho, ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa uu warbixin ka dhageystay taliyayaasha Nabad sugidda iyo Booliiska, sidoo kalena waxaa kulanka ku sugnaa wasiirada amniga, Gaashaandhiga iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka gobalka Banaadir.

Taliyaha ciidamada Nabad sugidda Qaranka Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Nabad sugidda ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weeraradii Al-shabaab ku qaadeen Hoteeladaasi, isaga oo xusay in ay soo badbaadiyeen shacab badan oo halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka Amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in weerarkii ka dhacay Siyaad Hotel ay qaadeen Shan ruux oo Al-shabaab ka tirsan islamarkaana ciidamada ay toogteen dhammaan ragii weerarka fuliyay marka laga reebo kuwa is qarxiyay.

Weeraradii Xalay lagu qaaday Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo mas’uuliyadda weeraradaasi sheegteen Al-shabaab.

Hoos ka arag sawirada

C8 C7 C6 C5 C4 C3 C1 C2

Goobjoog News