U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Cumar Iyo Wafdi La Socdey Oo Saacado Lagu Xayiray Garoonka Jomo Kenyatta Ee Nairobi

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maalintii shalay ahayd waxaa lagu xannibay garoonka Jomo Kenyatta magaalada Nairobi ee dalka Kenya sababo la xiriira in ay jabiyeen baratokoolka  u yaalla dalkaasi.

Dhacdadan oo sababi karta dimlomaasiyadda Labada dal inay xumaato ayaa waxay dhacday shalay subax xilli wafdigu uu ka degayey garoonkaasi, iyadoo lagu eedeeyay in diyaaradooda aysan soo marin magaalada Wajeer oo lagu baaro dhammaan diyaaradah ka taga Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan waaxda garoonka ayaa u sheegay wargeyska Standard in Ra’iisul wasaare sharmaarke loo ogolaan karin inuu sii wato safarkiisa maadaama diyaaraddii uu la socday aanay soo marin magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

“Tani waxay meel ka dhac u tahay ammaanka garoonka iyo qeynuunka u yaalla dalka maadaama diyaaradda Ra’iisul wasaaraha aan lagu soo baarin garoonkii ay ahayd in ammaanka lagu soo xaqiijiyo” sidaasi waxaa yiri sarkaalkii la hadlay Standard.

Saraakiil dhanka amniga ah ayaa la sheegay inay dalbadeen in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wafdigiisa dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho oo markii horeba ay ka baxeen, hase ahaatee saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya oo soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha ayaa gaashaanka u daruuray in falkaasi la sameeyo iyaga oo ugu dambeyn halkaasi keenay gaadiid lagu galbiyay Ra’iisul wasaare Cumar.

18-kii August 2015-ka ayeey ahayd markii marwada Ra’iisul wasaare Cumar lagu xiray garoonka Joma Kinyatta muddo Saacado ah, iyadoo lagu eedeeyay in laga helay boorso ay wadatay rasaas.

Marwada oo lagu magacaabo Caasho Yaasiin Xasan ayaa sida ay sheegeen saraakiisha garoonkaasi waxaa laga helay boorsadeeda 16 rasaas xilli ay maraysay baaritaan, kuna wajahneyd dalka Maraykanka, balse iyaduna lasii daayay saacado kadib.

Goobjoog News