U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Baaq u Direy Shacabkii Ka Barakacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hadal kooban ka jeediyey munaasabad lagu kala qaadayey ciidamada Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo, ayaa ku baaqey in ay dib usoo laabtaan shacabkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in hadda la gaarey heshiis, islamarkaana laga sii shaqeyn doono sidii mar kale aanu dagaal uga dhici lahayn magaalada Gaalkacyo.

“Waxay inoo tahay arrin farxad ah inaan isugu nimaanno Labadii Koontorool ee Labada dhinac, in ciidankii la kala qaadey oo la rabo in lasoo celiyo kalsoonida, dadka iney soo noqdaan oo guryahooda kusoo noqdaan baan rajeyneynaa, ciidankana si guud magaalada oo dhan looga qaado, waxaan u mahadcelinayaa Labada madaxweyne kaalintii ay ka qaateen nabadda Gaalkacyo, magaalada hadda waa nabad, waxaana u gudbeynaa sidii xal waara Gaalkacyo loogu keeni lahaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Shacabkii ugu badnaa ayaa ka barakacay xaafadaha magaalada Gaalkacyo kadib dagaal socdey in ka badan 15 maalin oo halkaasi ku dhexmarey ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dadka ka barakacay Gaalkacyo oo ku sugan duleedyada magaaladaasi ayaa waxaa lasoo dersey xaalad adag oo dhanka nolosha ah, maadaama ay la qabsan waayeen halka ay ku barakaceen oo aan hoy iyo biyo midna lahayn.

Goobjoog News