U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Booqan Doona Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu wadaa in booqasho uu ku tago xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Kenya oo dhawaan xeryahaasi booqday ayaa u sheegay horjoogayaasha Qaxootiga Soomaaliyeed in maalmaha soo aadan uu u imaan doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho uu tagi doono xeryahaasi maanta oo Jimco ah, si uu usoo xaal wareysto dadka Soomaaliyeed ee mudada badan qaxootiga ku ah Kenya.

Booqashadaan ayaa daba socota heshiis Seddax geesood ah oo horay u wada gaareen dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay gaar ahaan UNHCR iyo dowladda Kenya, kaasi oo ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah dalkooda lagu celiyo intii u diyaar ah soo laabasho.

Xeryaha dhadhaab ayaa ah halka ugu weyn caalamka ee Qaxooti ku nool yihiin, waxaana u badan qaxootiga Soomaaliyeed.

Maalmihii ugu dambeeyay qaxootiga Soomaaliyeed waxaa haystay culeys fara badan, sida in aysan haysan raashiin ku filan nabad galyo iyo adeeg caafimaad.

Goobjoog News