Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo masuuliyiin maamulka gobolka.

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyhay shacabka Gaalkacyo si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay R/Wasaaraha.

—-DHAMMAAD—-

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW