U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab Ee Janaale

Sheeko:Dalka

Ra’iisl wasaaraha ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM kaasoo ka dhacay bar ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Sharmaarke ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka xun tahay khasaaraha garaay ciidanka AMISOM.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka kooxaha nabad diidku ay ku qaadeen ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen ciidamada naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidankaasi naftooda ku waayay difaaca iyo xasilinta dalkeena Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale yiri “Qorshaheenu waa in dalka laga sifeeyo haraadiga kooxahaasi caadeystay daadinta dhiiga ummada, waana muhiimada koowaad ee Xukuumadeyda sidii looga ciribtiri lahaa goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin”

Ciidamo ka mid ah Al-shabaab ayaa shalay weeraray saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Janaale ee Shabellaha Hoose, halkaasi oo khasaare badan uu ka dhashay.

—-DHAMAAD—

Goobjoog News