U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cambaareeyay Weerarkii Liido

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay fiidkii lagu qaaday Maqaaxi ku taala Xeebta Liido, isaga oo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada ceykan oo kale ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay soo gaabinayaan cimriga kooxaha nabad-diidka ah ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka dadka caadeystay daadinta dhiiga birimageydada.

“Waxaa xaqiiqo ah in weeraradan qorshaysan ee argagixiso ay ka dambeyso kuwo arxan daran oo cadow ku ah Qaranimada iyo horumarka dalka, waxaanse u sheegaynaa inaysan caqabad kusii ahaan doonin ummadeena, illaahay idankiisna aan ka guulaysan doono”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee naftoodu ku waayey weerarkii argagixiso ee Baar Liido, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo”.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku ammaanay Ciidamadda Ammaanka sida dhiiran ee ay u soo bad-baadiyeen dadkii faraha badnaa ee argagixisadu go’doomiyeen oo ay ku jireen caruurta iyo haweenka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia