U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cambaareeyay Weerarkii SYL

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay Al-shabaab ku doonayeen in ay laayaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace garden) waa sida uu hadalka u dhigaye

“Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, maahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhiiranaanta ay ciidamada ammaanka ku amaanay sidii ay uga hortageen weerarkaasi, wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.

—–DHAMMAAD—