U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Gaarey Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan Labada gole ee maamulka Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka Garoowe kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Soo dhoweyn kadib Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha u tagey Garoowe la socodka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah musharraxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News