U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ka Hadlay Abaaraha Dalka Ka Jira

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay abaaraha ka jira inta badan gobollada dalka, taa oo saameysay dadka iyo duunyada.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sheegay haddii aan degdeg wax loogu gurman gobollada ay abaarta saameysay in ay dhici karto iney kasii darto xaaladda iminka meesha ay taagan tahay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in beesha caalamka ay kala hadli doonaan arrintan, islamarkaana la sameyn doono qeylo dhaan degdeg ah, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey iney u gurmadaan dadka abaartu hayso.

“Waxay taagan tahay meel aad u halis ah, waxaan rabaa in arrimahan beesha caalamka kala hadlo oo si dhaqso ah qeylo dhaan degdeg ah loogu sameeyo, dadkaasina la gaarsiiyo gurmad degdeg ah, laakiin waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed dibad iyo gudabada in degdeg dadka gurmad ula soo gaaraan, abaaraha hadda jira haddii aan wax laga qaban waxay yeelan doonaan saameyn aad u badan oo umadda Soomaaliyeed gaarsiiya meel aad u qatar ah, waxaan nugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed iney walaalahooda wax lasoo gaaraan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Abaaro saameeyey dadka iyo duunyada ayaa ka jira deegaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News