U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ku Guuleystay Xallinta Tabashada Waxgaradka Gobolka Hiiraan Ee Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo shalay tagay magaalada Baladweyne ayaa maanta soo gabagabeeyay safarkii uu halkaasi ku joogay, waxaana uu ku guuleystay xallinta tabashada waxgaradka gobolka Hiiraan.

Kulamo saacado badan qaatay kadib, saxaafaddana ay dibad joog ka ahayd ayaa ugu dambeyn waxay waxgaradkii iyo Ra’iisul wasaaraha isla garteen in dib Odayaasha ugu laabtaan shirka magaalada Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kullanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulamadii ka socday magaalada Baladweyne ay guul kusoo dhamaadeen, islamarkaana Salaadiintuna ay noqdaan hogaanka Shirka Jowhar.

Wasiir Maareeye ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in maalmaha soo aadan uu si dardar ah ku furmo shirka magaalada Jowhar.

Kullamadii aanu la lahayn Salaadiinta iyo waxgaradka beelaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Baladweyne oo aanu kala hadleynay dabcan arrimo badan oo ay ka mid tahay dhismaha maamulka la doonayo in loo dhiso gobollada Hiiran iyo Shabellaha dhexe, sidoo kale duruufaha iyo abaarta biyo la’aanta dalka ka jira, wada hadallada badankooda si guul ah bay inoogu dhamaadeen oo aynu rajeynayno inuu wax ka taro dhismaha maamulkaasi iyo sidoo kale dabcan in dadku isku gurmado oo dhibaatooyinka kale ee xagga nolosha bulshada haysta iyadana la’iska kaa shado, waxaan Salaadiinta u bandhignay waxa la doonayo ee maamullada dhismaya, salaadiintana waxay ka yihiin xubin muhiim ah in maamulkaasi dhistaan, in shirkaasi lagu noqdo, salaadiintana ay hogaan u noqdaan dhismaha maamulkaasi cusub ee la doonayo in la dhiso, waxaan ku qancinay in marka ugu horreysa gogosha lagu noqdo, salaadiintuna noqdaan hogaanka shirka, ay wada hadlaan, heshiiyaan iyo inay maamul dhistaan, shirka wuu furan yahay dadkii kasoo tagayna waxaan ku heshiinnay inay dib ugu laabtaan, waxaan filayaa in maalmaha soo socda uu shirka si xowli ah u furmo iyadoo ay ka wada qeyb qaadanayaan dhammaan dadkii gobolladaasi deganaa” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa horay uga soo horjeestay shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, kadib markii ay sheegeen in shirkaasi aanu ku jirin gacanta Odayaasha dhaqanka iyo dadka deggan Labadaasi Gobol.

Shalay oo Talaado ahayd 22-ka Maarso waxaa tagay magaalada Baladweyne Ra’iisul wasaare Cumar si uu usoo qanciyo waxgaradka shirka Jowhar diiddan, waxaana Ra’iisul wasaaraha kasii horeeyay wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo Todobaad ku sugnaa Magaaladaasi.

Goobjoog News