U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo La Kulmay Madaxweyne Guuleed

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaare oo maalintii shalay ahayd gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu la kulmay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxyaabaha ay Labadan mas’uul ka wada hadleen ayaa kamid ah dagaallada Gaalkacyo, sida xaaladda loo dejin karo iyo sidii Nabadda Gaalkacyo dib loo soo celin lahaa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wada dedaal badan oo ku doonayo in lagu dhameeyo colaadda Gaalkacyo, waxaana uu tagi doona magaaladaasi.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa noqday mid iska soo daba laabtay, waxaana Ra’iisul wasaare Cumar uu dedaal ugu jiraa sidii Galmudug iyo Puntland uu ugala hadli lahaa daminta Dagaalka Gaalkacyo.

Sidan oo kale Ra’iisul Wasaare Cumar waxa uu sanadkii hore kala dhexgalay dagaal Labadan maamul ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News