U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Maanta Dhagax Dhigay Xarun Laga Hagi Doono Hawada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta dhegax dhigay xarun laga hagi doono hawada Soomaaliya, lagalana socon doono diyaaradaha dul maraya hawada dalka.

Ugu horeen waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyay Wasiirka gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali, waxaana uu sheegay in xaruntaan dhismaheedu uu billaabanayo, sidoo kalena xarun tan la mid ah laga hirgelin doono magaalada Hargeysa si hadii ay meel wax uga dhacaan aanay shaqada u joogsan.

“Waxaan ku faraxsannahay maanta in Ra’iisul wasaaraha uu dhagax dhigay meesha laga hagi doono hawada diyaaradaha Soomaaliya kormara, waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, xaruntaan waa la qalabeynayaa, waxaana la dhigayaa qalabka casriga ah ee ugu dambeeyay, tan mid la mid ah waxaa laga dhisi doonaa hargeysa, si hadii tan wax uga dhacaan ay howsho la wareegto meel kale oo Soomaaliya ah, waxaa socda tallaabooyin dhab ah oo wax qabad ah, dadkii waa la diyaarinayaa mudada ay howlahaan socdaan, waana wax lagu farxo tallaabadaan” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farxad ay tahay in dhowr iyo 20 sano ka dib dalka lagu soo celiyo Koontaroolka Hawada Soomaaliyeed.

“Waa farxad in dhowr iyo Labaatan sano ka dib markii ugu horeysay dalka dib loogu soo celiyo Koontaroolka hawada Soomaaliyeed, arrintaan waxaan billawnay 2009-kii markii aan Ra’iisul wasaaraha ahaa, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qornay in Soomaaliya ay diyaar u ahayd in ay lasoo wareegto maamulka hawada, muddo ayeey soo jiidantay, waana tan maanta dhagaxeeda la dhigayo, lana dhisayo qalabka meesha la dhigi lahaa dadkuna ku shaqeyn lahaayeen, dadkii Soomaaliyeed waxaa usoo laabatay howshii ay iyaga lahayd, waxayna inoo tahay farxad, ammaantaan dhan waxaa leh wasaaradda, waxaan rajeyneynaa in dalka wixii ka maqnaa oo dhan wixii hadda ka dambeeya aan lasoo wareegno” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Wixii ka dambeeyay burburka dowladii dhexe ee uu hogaamin jiray allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, waxaa gacanta Soomaalida ka baxay maamulka Hawadooda, hase ahaatee dadaal badan oo la galay ka dib waxaa hadda suurta gal noqotay in maamulka dib loola soo wareego.

Goobjoog News