U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Qardho Ee Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa la filayaa in maanta safar uu ku aado magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa xaqiijiyey in Ra’iisul wasaaraha maanta halkaasi tegi doono, islamarkaana loo diyaar garoobnay soo dhoweyntiisa.

Waxa uu Mr.Sharmaarke la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi oo ay ugu horreeyaan waxgaradka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee magaaladaasi u tagayo waxaa ka mid ah in waxgaradka uu kala hadlo arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in dhowaan dalka ay ka dhacaan.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News