U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magaalada Baladweyne u Tagay Xalinta Tabashada Waxgaradka Hiiraan Ee Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in halkaasi uu goor dhaw gaaray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiil Ciidan, Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Baladweyne.

Ulajeedka uu halkaasi u tagay Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay sidii uu u xallin lahaa tabashada Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ee ku saabsan shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaraha uu saacadaha soo aadan magaalada Baladweyne kulan kula qaato waxgaradka gobolka Hiiraan iyo Ugaasyadooda.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa maalmo badan u joogay sidii uu u xallin lahaa tabashada waxgaradkani inkastoo aanay weli taasi suurta gal noqon.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News