U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magaalada Baydhaba Kula Kulmaya Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Odayaal Dhaqameed

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay ku hoyday Magaalada Baydhabo ayaa isla xalay Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur galbeed ee Magaaladaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa magaalada Baydhaba waxa uu ka billaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmaya saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhaba.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha ay kala hadli doonaan arrimo badan oo ku saabsan garab istaagga maamulkooda, qalabeynta ciidamada iyo arrimo kale.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhaba ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News