U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga

Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xilka Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga u magacaabay Cabdi Jiinow Calasow oo horay u ahaa gudoomiyahii hore Shabellaha Dhexe.

Wareegtada ayaa sidaan u qoran

Ujeeddo: Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS.

Markuu arkay: Qodobka 100aad= (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana dardargaliyo Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga

Markuu arkay: Taariikh-Nololeedka, khibradda iyo aqoonta Xeebaha ee uu leeyahay

aqoonyahanka hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

Qod.1aad

Magacaabid

Eng. Cabdi Jiinow Calasow, waxaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga, laga bilaabo taariikhda sare ku xusan.

Qod.2aad

Dhaqan-gal

Magacaabidani waxay dhaqan-gelaysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.

Riix Halkaan Si Aad u Akhriso Wareegtadaan