U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magacaabay Xoghayaha Joogtada Ee Wasaaradda Cadaaladda

Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya.

Xilkaan ayaa loo magacaabay Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, ka dib soo jeedinta wasiirka wasaaraddaasi.

Wareegtadaan xilka lagu magacaabayay ayaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha kasoo baxday 20-kii bishaan.

Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa horay u ahaa xoghayihii Joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, waxaana xilkaasi todobaadkii hore loo magacaabay Yaxye Cali Ibraahim.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista

Dr.ismail

Goobjoog News