U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Nabad Ugu Baaqay Beelaha Ku Dagaallamaya Sool

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horeen waxa uu ka hadlay dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, isaga oo sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad uga xunyihiin dagaalladaasi dhacay.

Waxa uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamay in nabadda ay qaataan, sidoo kalena waxgaradka ay kaalin ka qaataan sidii loo xallin lahaa dagaallada soo noqnoqday.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee kala gaartay dagaallada in nabadda lagu dadaallo, wax walba oo dhacay in ilaahay samir naga siiyo, inta hartayna la badbaadiyo, culimada, waxgaradkana ay kaalin ka geystaan sidii loo afjari lahaa dagaalladaasi, waxaan aad iyo aad uga xumahay wax walba oo dhacay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadal qaaday arrinta ku aadan wada tashiyada socda iyo Hiigsiga 2016-ka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in 14-ka bisha soo socota magaalada Muqdisho lagu qaban doono wada tashiyo ku aadan sida ugu wanaagsan ee looga tallaabsan karo 2016-ka.

“Waad ogsoontihiin inaan soo saarnay warmurtiyeedkii ahaa in wada tashigii lagu heshiiyay habka uu u dhacaayo, waxaan rajeyneynaa in 14-ka bisha halkaan lagu qabto wadatashigii ugu horeeyay, laga hadlo qaabka looga tallaabsan lahaa 2016-ka, la tago gobalada, lana sameeyo wadatashiyo, waxaan qabanay waxyaabo badan oo aad taaba gal u ahaa ka xukuumad ahaan, waxaa noo dhiman maamul gobaleedkii ugu dambeeyay ee Hiiraan iyo Jowhar, waxaan kaloo rajeyneynaa in bisha December la qabto wada tashigii ugu dambeeyay oo dadka hal meel isku raacaan, waxaana talagalka uu yahay in bisha January aan caalamka u gudbinno waxa lagu tashtay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo soo hadal qaaday xaaladda amni ee dalka ayaa waxa uu tacsi ka diray weerarkii dhawaan ka dhacay nawaaxiga SYL, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Kontaroolka Koowaad ee Madaxtooyada.

Wax laga xumaado ayuu ku sheegay in qof Soomaaliyeed lagu qaldo inuu gaari walxaha qarxa loo soo dhiibo, islamarkaana shacab lagu dhameeyo, isaga oo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayuu sheegay inay kala wareegi doonaan deegaan walba oo hadda dalka ay kaga sugan yihiin.

Ugu Dambeyn Ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in magaalada New York uu uga qeybgalayo shirka guud ee Qaramada Midoobay, islamarkaana halkaasi uu ka jeedin doono khudbad uu sheegay in arrimo muhiim ah kaga hadli doono.

Goobjoog News