U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Cumar Oo Rajo Ka Muujiyay Dhaqan Galka Heshiiska Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa rajo ka muujiyay dhaqan galka heshiiskii shalay magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sheegay in hadda Labada dhinac looga fadhiyo oo kaliya dhaqan gelinta heshiiskaan, islamarkaana aan la dooneyn hadal kale oo heshiiska ka daba yimaada.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in Heshiiska uu Mid yahay, islamarkaana aanu Labo ahayn, lana doonayo in laga Ilaaliyo heshiiskaan kalmadda ah laakiin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wixii dhacay waa laga heshiiyay, waxa dhiman baa la xallinyaa, waxyar oo dhacay waad aragteen saameynta ay yeesheen, heshiis waa mid, waan heshiinay oo waan heshiinay, balse laakiin wax la dhaho ma jirto, kaliya waxaan rabnaa in la dhaho waxaan xalineynaa wixii dhacay oo kaliya” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo waxaa maalintii shalay ahayd heshiis Afar qodob ka kooban ku gaaray madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Goobjoog News