U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Rajo Ka Muujiyay In Lasoo Afjaro Khilaafka Dowladda Federaalka Iyo Jubbaland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta safar ku tagay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa rajo ka muujiyay in lasoo af jaro khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Mar uu Ra’iisul wasaaraha saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in maanta ay tahay fursad qaali ah in dib loo soo celiyo xiriirkii dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxa jirana lagu dhameeyo wada hadal.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay soo jeedisay cabashada jirta, islamarkaana ay soo magacaabi doonaan guddi si loo xaliyo cabashada iyo khilaafka jira waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in ay rajeynayaan maalmaha soo adan in lagu tallaabsado horumar iyo sidoo kale in la wada hadlo oo lagu dadaalo in la gaaro hiigsiga 2016.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta safar ku tagay magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka hadda ka dhex jira dowladda Federaalka iyo mamulka Jubbaland.

Goobjoog News