U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa uuu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Fidriga oo maanta loo dabaal degayo maalinteeda Koowaad.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Hambalyo, ciid wanaagsan, sanadkaan sanadkiisa waxaan leeyahay ilaahay hanagu gaarsiiyo farxad iyo baraare” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in munaasabadda ciida awgeed ay isugu gurmadaan, islamarkaana ay farxad ku wada ciidaan.

Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana looga dabaal degayaa dhamaan wadamada Muslimka ah.

Goobjoog News