U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Sheegay In Kenya Lagula Xisaabtamayo Hadii Ay Kusoo Xad Gudubto B/xaawo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shir ku saabsan arrimaha qaxootiga uga qeybgalaya Malta ayaa ka hadlay waxa uu kala socdo xadgudubka Kenya ee ku aadan dhulka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha oo wareysi siiyay Idaacadda VOA in arrinkaasi lasoo gaarsiiyay, balse markii uu Kenya ku sugnaa uu madaxweynaha dalkaasi u sheegay in marnaba wax soconaya aysan ahayn dhulka Soomaaliyeed oo lagu soo xadgudbo.

Madaxweynaha dalka Kenya ayuu sheegay inuu u ballanqaaday in aysan waxyaabahaasi (Xadgudubka dhulka) aysan dhacayn.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in hadii ay dhacdo Kenya inay kusoo xadgudubto dhulka Soomaaliyeed ay la xisaabtami doonaan.

“Wararkaasi Waa la ii soo sheegay, sideedaba maalin dhaweyn markii aan la joognay madaxweynaha Kenya waxaa ila socday Shan wasiir, intaba waan fadhinay waxaan kusoo qaaday in taasi wax socon kara ahayn wey naga ballan qaadeen intaasi aysan dhacayn, hadii ay taasi dhacdana waan kula xisaabtameynaa, waan kala hadlay maanta Ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu u yeero safiirka Kenya oo uu kala hadlo arrimahaasi” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News ayaa markii ugu horeysay Ifisay xadgudubka Kenya ee ku aadan xuduudda Soomaaliya gaar ahaan dhanka degmada B/xaawo.

Waxa aynu wareysannay Odayaasha deegaanka maalintii ugu horreysay oo ciidamo Kenya ah billaabeen in ay fujiyaan dhagxaantii calaamadda u ahayd xuduudka Labada dal (Riix Halkaan)

Hadaba taasi waxay keentay in la wada eego arrinkaasi, iyadoo ay ka hadleen madax, siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya isugu yimaadeen 11-kii bishaan waxay kaga doodeen arrinta ku aadan kusoo xadgudubka Kenya ee dhanka xuduudda Soomaaliya (Riix Halkaan)

Maamulka Jubbaland, gaar ahaan wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulkaasi Maxamed Ibraahim Darwiish oo isna la hadlay saxaafadda maanta oo khamiis ah 12-Nov-15 waxa uu sheegay in waxa ka socda B/xaawo aysan indhaha ka laaban doonin (Riix Halkaan)

Goobjoog News