U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ka Warbixiyay Safarro Uu Ku Tagay Dalalka Kenya, USA iyo Malta

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay safarro uu kusoo kala bixiyay dalalka Kenya, Maraykanka iyo Malta.

Ugu horeen waxa uu sheegay inuu tagay dalka Kenya, halkaaso oo uu booqday Xerada ugu weyn Qaxootiga Adduunka ee Dhadhaab halkaas oo kula kulmay dadkii Soomaaliyeed ee daganaa, iyadoo uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in uu arkay dad Soomaaliyeed u diyaarsan dalkooda in ay dib ugu soo laabtaan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaruha ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta, waxana ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo arrimaha Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan booqday Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaan u kuurgalnay xaaladdaha ay ku suganyihiin dadkeennu, runtii waxaan halkaas kusoo aragnay dad ay ka go’antahay in ay dalkooda kusoo laabtaan dadkoodana wax la qabsadaan”. Ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Waxana shirkaas diiradda lagu saaray Hiigsiga 2016 sidii loo dar dargelin lahaa dhamaystirkiisa, iyadoo dhanka kale Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay horumarka ay sameysay muddooyinkii la soo dhaafay.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay in guul uu ku soo dhamaaday shirkii looga hadlayay yareynta qulqulka muhaajiriinta kasoo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee kasoo cararaya faqriga ka jira qaaradda. Iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu shirka ka soo jeediyey in wax laga qabto sababaha keenaya qulqulka muhaajiriinta.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in 28-ka dal ee Qaaradda Yurub ay sannadkiiba bixin doonaan 20-bilyan oo Euro, taasoo lagu caawinayo dalalka Qaarada Afrika. Waxaana dhaqaalahan lagu bixin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin tababarro, ganacsiyada yar-yar ee dadka Afrika loo sameynayo, ka hor-tagga cunno yarida, joojinta tahriibka, ka hortagga xajirnimada iyo colaadaha kale.

—-DHAMMAAD—-

Goobjoog News