Ra’iisul Wasaare Cumar “Waa In Dadka Soomaaliyeed Ay Isku Dul Qaataan”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in xilligaan ay muhiim tahay inay isku dulqaataan dadka Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar dhan walbo leh.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadii caleema saarka madaxweynaha Jubbaland ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaare Cumar in dalka la doonayo in la gaarsiiyo qof iyo cod, sidaa darteedna inta ka horeysa ay tahay in la isku dul qaato.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamul gobaleedyada jira in iyaguna ay deegaanada ay ka taliyaan si aad ah uga hirgeliyaan nidaamka federaalka, sidoo kalena la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW