U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar: Waqtiga Noo Haray Nama Siinayo Dib u Dhac Dambe Oo Dastuurka Ku Yimaada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya guulo la taaban karo ay ka gaartay horumarinta dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkaan siiyay saxaafadda ka dib markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay Dastuurka oo ay ka qeybgaleen wasiirada Dastuurka maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Waxa uu Ra’iisul wasaare Cumar kula dardaarmay xubnahii shirkaasi ka qeybgalay inay madaxa ku hayaan sidii ay howshaan ugu gudan lahaayeen qaabka ugu haboon ee shacabka loogu adeego.

“Mas’uuliyad ayaa na saaran, mana saamixi doonto in dib u dhac dambe ku yimaado Dastuurka, Soomaalida oo dhan baa ina sugeysa, idinkana waxaan idin ka rabnaa inaad howshaan aad dardar gelisaan, sida ugu macquulsanna lagu helo Dastuur dib u habeyn lagu sameeyay”

“Dowladda Maraykanka markii la dhisayay 13 gobal ayaa isku yimid, waxay qaadatay dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyadaasi inay Dastuurkaasi sameeyaan ku dhawaad 40-sano, annaga caalamka oo dhan ayaa na sugaya, meel walba oo dalka ah waxaan rabnaa in uu maamul ka jiro” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saareyso sidoo loo dhameyn lahaa Dastuurka dalka, iyo dib u habeyntiisa.

Goobjoog News