U bood dhigaalka

Dhageyso: Ra’iisul wasaare C/weli oo ka warbixiyay safar uu ku tagay Burundi, kana hadlay cudurka Ebola (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Burundi, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamadda iyo dadweyne faro badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga qeyb-galay Burindi shirar muhiim ah oo dhammaantood quseeya danaha Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga labada dal. Waxana shir Jaraa’id oo uu Saxaafadda u qabtay faah faahin uga bixiyay safarkii shaqo ee uu ku tagey dalka Burundi.

“Waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo ku tagay dalka an walaalaha nahay ee Burundi, waxaana ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Burundi iyo Soomaaliya, waxaad la wada socotaan in ciidamadda Burundi oo qayb ka ah AMISOM ay naftooda u hureen sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii iyo dawladnimadii Soomaaliya” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay halista cudurka dilaaga ah ee EBOLA, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyadoo kaashanaysa taliyeyaasha ciidamada AMISOM, iyo Wakiilka Midowga Africa ay si dhow ula socdaan suurtagalnimada ciidan kasta oo dalka imaanaya in ay caafimaad qabaan, si loooga feejignaado in dalka ay yimaadaan ciidamo shaki looga qabo Virus-ka cudarka Ebolla.

“Cudurka EBOLA waxaad la socotaan in uu ka jiro dalal kamid ah galbeedka Africa, dalalkaas oo naga dhexeeyo iskaashi dhinaca ciidamada ah, AMISOM iyo Xukuumaddu waxay ka wada shaqaynayaan ineysan dhicin khatar la arkayo oo dalka timaada, waxaa jira guddi ka kooban Wasaaradaha amniga, Caafimaadka iyo Gadiidka Cirka iyo Dhulka ay wadajir arrintaas uga wada shaqeeyaan si loo hubiyo cidii looga shakiyo cudurka” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay roob yarida ka jirta qeybo kamid ah gobollada dalka,wuxuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax haysta ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka in ay ka qayb-qaataan dadaalkan lagu garab istaagayo walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu haysato.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Ra’iisul wasaare Soomaaliya

 

 

 

 

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????