U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare C/weli oo rajo ka muujiyay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo wareysi siiyay Talefishanka eNCA ee laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in maalmaha soo aadan la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay Mr Cabdi weli in kulan ay wada qaateen madaxweynaha, waliba ay ku kulmeen Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayna ka wada doodeen sidii loo xalin lahaa kala aragti duwanaanshaha Labadooda ka dhaxeeya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in maalmaha soo aadan rajo weyn laga qabo in ay hormar ka sameeyaan wada hadaladaasi, meeshana lagu soo gaba gabeeyo kala aragti fogaanshaha.

Waxaa jiray khilaaf dhawaan soo shaac baxay, kaa oo ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaarte Cabdi weli Sheekh kaa oo ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News