U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo maanta Muqdisho ugu yeeray xubnaha ku howlan dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa soo saaray go’aan deg deg ah oo magaalada Muqdisho looga yeeraayo xubnaha ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Waxaa la faray in maanta Muqdisho ay yimaadaan, waxaana lagu amray in inta wada tashiga uu socdo aan la hakin shirka, lana meel marin Dastuurka Koonfur Galbeed iyo Doorasho Madaxweyne.

Xubanaha Magaalada looga yeeray ayaa ka mid ah wasiir ku xigeenka amniga, Taliyaha Booliiska Bay, taliyaha xooga dalka ee Guutada Lixdanaad iyo xubno kale.

RIIX HALKAAN SI AAD U AKHRISATO GO’AANKA UU SOO SAARAY RA’IISUL WASAARE Cabdi Weli Sheekh Axmed