U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre: Aan Ilaalinno Qarannimadeenna, Xuduudaha Badda, Hawada iyo Dhulkaba

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay munaasabadda lagu maamuusayey maalinta calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in cid walbo oo Soomaali ah waajib ka saaran yahay ilaalinta madaxbanaanida, qarannimadeenna iyo xuduudaheena.

Kheyre ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafidba ay taariikhda ku geli doonaan sida ay u ilaaliyaan calankeenna, qarannimadeenna, una ilaaliyaan hantida qaranka.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in jiilka maanta nool looga baahan yahay iney naftooda u huraan calankooda, si ay usii gaarsiiyaan kuwa kale ee mustaqbalka ka dambeeya.

“Qof walba oo Soomaaliyeed, qof walba oo inaga mid ah, meel walba uu dalka ka joogo, mucaarad iyo Muxaafid oo fursad u hela in qarankiisa matelo, waxaan taariikhda ku geli doonnaa sida aan u ilaalinno qarannimada, madaxbanaanida, sida aan u ilaalino hantida qaranka ugana fogaanno musuq-maasuqa, sida aan u ilaalinno xuduudaha badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed, aan xajinno calankaas walaalaheenii naga horreeyey ay naf iyo maalba kusoo bixiyeen, dhiig usoo hureen, si annaga oo ah kuwa hadda nool aan ugu sii gudbinno kuwa naga dambeeya” ayuu yiri Kheyre.

12-October oo shalay ku beegneyd ayaa sanad walba loo dabaaldegaa maalinta calanka Soomaaliyeed, iyadoo la ogyahay dedaalladii iyo waqtigii lagu bixiyey in dhulkeenna ka babado calanka Buluugga ee Xidigta Shanta gees ah leh.

Goobjoog News