Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Dalka Turkiga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu u ambabaxo dalka Turkiga sidey inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Waxa uu Ra’isul wasaaraha lasoo kulmi doonaa madaxda sare ee dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo ku adan xiriirka Labada dal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dalkaasi ku booqan doona dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe, gaar ahaan kuwa lagu daweynayo Isbitaallada ku yaalla dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa safarkaan uu ku tagayo Turkiga baajiyey 15-kii bishan, maadaama dalka ay ka dhacday musiibo qaran, kadib qaraxii Zoobe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW