Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shacabka Ka Dalbada Wada Shaqeyn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa aanay shaqeyn karin shacabka la’aantiisa, shacabkana laga doonayo iney dowladda la shaqeeyaan.

Wuxuu sheegay in arrinta amniga dalka ay tahay mid muwaadin walbo oo Soomaaliyeed waajib ka saaran yahay, dowladdana ay awood u heli karto xaqiijinta amniga haddii ay hesho la shaqeynta shacabka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney dowladda la shaqeeyaan, gaar ahaan arrimaha amniga ay nagala shaqeeyaan oo maalmahan ahmiyadda inoo saaran, si aan umadda Soomaaaliyeed ugu fududeyno iney ku noolaadaan sidii hore si ka dhib yar” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Marar badan sidan oo kale madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa ka dalbday shacabka Soomaaliyeed in dhanka amniga ay kala shaqeeyaan dowladda, si looga hortago falalka amni xumida ah.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmahan waxay magaalada Muqdisho ka wadaan howlgalka xasilinta caasimadda, iyadoo inta uu howlgalkaan socday ay ciidanku soo qabteen hub iyo maandooriyeyaal kala duwan.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW