U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Uga Qeybgalaya Geneva, Switzerland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kheyre ayaa Geneva uga qeybgeli doona shirka dhaqaalaha adduunka oo ay ka qeybgali doonaan madax dhowr ah.

Waxa uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kula kulmi doonaa Switzerland qaar kamid ah mas’uuliyiinta shirkan ka qeybgaleysa.

Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan hoggaamiyeyaal ka kala socda dalalka horumaray ee dunida ayaa muhiimda gaar ah u leh Soomaaliya.

Goobjoog News