U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waan la soconaa dhibaatooyinka ay la kulmaan haweeenka Soomaaliyeed”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay la kulmaan dhibaatooyin badan, iyaguna looga baahan yahay iney is abaabulaan si looga hortago wax walbo oo dhib u keeni kara.

Kheyre ayaaa sheegey in Haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada sidoo kalena ay u nugulaayeen dhibaatooyinkii ka dhici jirey dalka kuwaasoo ay goob joog u ahaayeeen ,sidaas dardeedna loo baahan yahey inay hurmuud u noqdaa sidii loo wacyi galin lahaa dadka taasin ay fududayneyso in bulshada la fahansiiyo muhiiimada dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamey in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin a dib u dhiska dalka iyo soo celinta sharftii ay la haayeen dadka Soomaliyeed,waxuuna uga mahed celiyey xiligii uu dalku ku jirey burburka sidii ay Hawenku iski xilqaameen una bad baadiyeen qaybaha kala duwan ee shacabka.

“Waan la soconaa dhibaatooyinka ay la kulmaan haweeenka Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso Kufsiga iyo in mararka qaar la dulmiyo wixii ay xaq u lahaayeenn, balse waxaaa looga baahanyahey Haweenkeenu iney is abaabulaan una diyaar garoobnaan dib u dhiska dalka bulshadana ay ku dhiri galiyaan iney aamniaan dolwadooda si loo gaaro horumar iyo nabad”ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Hadalkaan wuxuu ka sheegay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kulan uu shalay magaalada Muqdisho kula qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed.

Goobjoog News