U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre: Waxaan Nalooga Baahan Yahay Inaan Isku Tashanno, Gacmahana Is Qabsanno

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney mid u noqdaan wax walbo oo ku saabsan horumarinta dalka, gurmadka abaaraha iyo amniga.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in shacabka Soomaaliyeed ay bixiyeen in ku dhow 4 milyan oo doolar, taasi oo aad uga qiimo badan caawinaadda shisheeye, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in muhiim ay tahay in shacabka Soomaaliyeed isku tashadaan, gacmaha is qabasadaan, is aaminaan, kuna filan  yahay kheyraadka dalka.

“In ku dhow 4 Milyan oo doolar waxaa laga uruuriyey kaliya shacabka Soomaaliyeed 5, 10, 20, 100 doolar isaga soo uruuriyey, lacagtaas dadka Soomaaliyeed laga uruuriyey ayaa ka qiimo badan caawinaadda dunida laga helayo, sababtoo ah waxaa xor u ah dadka Soomaaliyeed, sidaasi darteed waxaa nalooga baahan yahay inaan isku tashanno, gacamaha is qabsanno, waa inaan is aaminno” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney u istaagaan sidii loo hormarin lahaa guud ahaan dalka, loo  soo celin lahaa amniga iyo kala dambeynta dalka.

Inta badan Ra’iisu wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarma iney si iskood ah wax u qabsadaan, kuna tashan shisheeye.

Goobjoog News