U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Wey Dhammaatay Waqtigii La Niyad Jabi Jiray”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii ay niyad jabi jireen madaxda Soomaaliyeed, islamarkaana markaan madaxda maanta ay u taagan yihiin waxqabad dhab ah oo aanu niyad jab ku jirin.

Kheyre ayaa sheegay in aan cidna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu dumanayo, ama mid ulajeed gaar ah laga leeyahay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in fursad ay dalka ugu adeegaan la siiyo madaxda dowladda iyo golaha wasiirada.

“Waxaa muhiim ah inaan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminayo, inaan ogolaan dhaliil ulajeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano gaar ah, inaan ogolaan dhaliil la doonayo in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hadda inoo soo ifbaxay, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan Soomaaliya horey ayeey u socotaa gadaalna u noqon meyso, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed haddii aad horey u arki jirteen in la niyad jabo wey dhammaatay waqtigii la niyad jabi jiray, waxaan leeyahyay dadka Soomaaliyeed haddii ay jiri jirtay 27-kii sano ee lasoo dhaafay in markii is jiid jiid yimaado madaxdu niyad jabaan, madaxda idin hortaagan ma ahan kuwaas, haddii ay jirto qof Soomaaliyeed oo  ka walwalsan maalmaa la qeylinayaa ama buuq siyaasadeedaa dhacaya, madaxda qolalkeedey ku laabaneysaa, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan idin la mari doonno illaa meesha ugu dambeysa aan tagi doonno, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah, annagaa u jeedna oo idiin soo aragnay dhulka barwaaqada ah ee aan u soconno, iftiin baa umadda Soomaaliyeed u yimid waxaan rabnaa inaan iftiinkaas isla qaadno, waxaan soo jeedinayaa sidaasi daraadeed fikir xumada in lagu bedalo inaan gacmaha is qabsanno, inaan u aragno nabadda iyo dowladnimada ay qof kasta dani ugu jirto, inaan meel uga soo wadajeedsanno shacab iyo dowladba qofka doonayainuu dumiyo waxayar ee inoo dhismaya, inaan qofka aan dooranno oo madaxda inoo ah oo madaxweynaheenna, guddoomiyaheenna iyo wasiiradeenna ugu horreeyaan inaan siinno fursad ay dalka wax ugu qabtaan, inaan ku bedalno dhaqankii ahaa anigu haddii aan wax helin dalkaa la duminaayaa, dalkaa kaa horreeya adiga, inaan ogaanno qof kasta, xisbi kasta iyo koox kasta uu ka weyn yahay jiritaanka calanka, nabadda iyo dowladnimada” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News