U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Ka Wada Hadlay Siyaasadda Amniga Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

 Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa kulan ay ku yeesheen madaxtooyada Cadaado kaga wada hadlay amniga, la dagaalanka burcad badeedka iyo dhismaha ciidan tayo leh.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kulanka ka dib si wadajir ah ugu waramay saxaafadda u sheegay inay ka wada hadleen siyaasadda amniga Qaranka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ugu horreyn la hadlay saxaafadda ayaa yiri:

“Waxaan ka hadalnay qodobada amniga, sida Gobolkaan amnigiisa loo xaqiijin lahaa iyo tayaynta ciidamada oo dhinac walba leh, waxaa kaloo laga hadlay dadka kalluumeysatada ah ee sida sharci darrada ah u adeegsada badda, arrimahaas oo dhan ayaan ka wadahadalnay”.

Dhanaca kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa isna sheegay iney ka wada hadleen:

“Siyaasadda amniga qaran sidii looga wada hadli lahaa qaabka ay noqoneyso, isku xirka federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dhismaha ciidamada sidey noqonayaan, waxyaabaha kale ee noo suurto gashay waxaa ka mid ah in wasaaradaha amniga  heer federaal iyo heer dowlad goboleedba ay intuba ka shireen 15 qodobna ay ku heshiiyeen, taasina ay noqon doonto mid qeyb ka ah siyaasadda amniga”.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaare ku xigeenku soo hadal qaaday shir ay magaalada Muqdishu ku yeesheen wasaaradaha cadaaladda heer federaal kaas oo ay kasoo baxeen qodobo dhaxal gal ah iyadoo taasinta ay sii xoojineyso, ayuu yiri, isku xirka guud.

Ra’isul wasaare ku xigeenku waxa uu aad u aamaanay dowlad goboleedyada oo uu yiri waxay micno weyn u sameynayaan Qaranka Soomaaliyeed, maadaama ay ka shaqeynayaan amnigii iyo dowladnimada.

Xukuumadda federaalka Somaliya ayaa wadda qorshe ay maamul goboleedyada ay ugala hadlayso sidii la isaga kaashan lahaa dhismaha ciidamo tayaysan iyo ka qeyb qaadashada arrimaha doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee  2016.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowaldda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa socdaal ku kala bixinaya maamul goboleedyada dalka isagoo Sabtidii socdaal la mid ah kan uu hadda Cadaado ku joogo ku Gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News