U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Saxaafadda Ugu Baaqay Ka Shaqeynta Horumarinta Dalka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay tahay mid dadka waxbarta, islamarkaana xil weyn uu ka saaran yahay in ay ka shaqeyso horumarinta dalka.

Waxa uu tilmaamay in muhiim ay tahay wariyuhu inuu aad u ilaaliyo wararka bulshada uu baahinayo maadaama bulshadu ay isagu hagayo.

“Wariyuhu waa baree waa macallin, macalinkuna waxaa la rabaa in uu bulshada wax ugu soo gubiyo si wanaagsan, marka mas’uuliyadda wariyuhu ma ahan oo kaliya war degdeg ah aan gaarsiiyo, waxaa la rabaa inaad warka usoo gudbiso sida saxda ah waayo waa amaanno”

“Saxaafadda xorta ah waa inay ogaadaan Soomaaliya in aysan dowladdu lahayn ee ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, Waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda oo ay wanaajiyaan muuqaalka waddanka oo ay masuuliyad muujiyaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlay sharciga saxaafadda waxa uu sheegay inuu yahay mid ilaalinaya madaxbannaanida saxaafadda.

“Sharcigaani wuxuu ilaalinayaa madaxbannaaniada saxaafadda sidoo kale wuxuu dhowrayaa xuquuqda wariyeyaasha, isagoo sidoo kale ilaalinaya xuquuqda dadka ee ku cad dastuurka waddanka”

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka furmay Shirka Qaran ee horumarinta Istiraatiijiyadda warbaahinta Soomaaliya, kaasi oo maanta galay maalintiisii Labaad.

Goobjoog News