U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Hore Ee Dalka Oo Lagu Xiray Hargeysa

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaga magaalada Hargeysa lagu xiray Maxamed Cumar Carte Khaalib oo horay Soomaaliya uga soo noqday ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Xarigga Maxamed Cumar Carte illa iyo hadda laamaha ammaanka Somaliland kama aysan hadlin, xilli Horay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis madaxweyne u sameeyay Maxamed Cumar.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in aysan aqbali doonin in ay deegaanadeeda yimaadaan dadka magaca leh ee taga Muqdisho.

Goobjoog News