U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo xilka u kala wareejiyey Wasiirrada Shaqada iyo Shaqaalaha, Haweenka, Howlaha Guud, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Wasiiru dowlaha XRW

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula wareegeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska Mudane Maxamed Aadan Macallin, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/Kariin Ashkir.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo Alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas Qaran.

Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta Wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen Wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan.

Wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Sadiiq Warfaa, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud.

Goobjoog News