Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Wasiir Xamse Oo Hambalyo U Diray Degmada Shingaani Oo Ku Guulaystay Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalliyarada Soomaaliya mudane Xamase Saciid ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2020 oo ay ku guuleysateyn degmada Shingaani.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 17ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, si loo xoojiyo nabadda iyo isdhexgalka bulshadda,Iyadoo kama danbeysta tartankan ay isugu soo hareen kooxaha kala socday degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis.

Labada kooxood ee kala matalayay degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ku dhisan xirfad, taasoo soo jiidatay dhammaan daawadayaasha iyo tageerayaasha garoonka Istaadiyoow Eng. Yariisow joogay,waxaana koobka hantay xidigaha kooxda Demada Shingaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyey Kooxda degmada Shingaani oo hanatay sanadkan koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale boggaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan wanaag.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Related Articles

27 Comments

  1. “Reer Burco halbaa seegay, Hawd-na halbaa seegay, Wasaarada ciyaaraha halbaa seegay, Muuse Biixi halbaa seegay, Aniga iyo ragaan ku jirana halbaa na seegay”..Maxamuud Xaashi Ciyaartoyda gobolka Togdheer waxay soo bandhigeen ciyaaro qiimo badan, oo ay ka muuqatay farsamo iyo farshaxanimo farabadan. Taas oo gaadhsiin karaysay, in ay guulo taariikhi ah ka soo hooyaan koobka ciyaaraha gobolada ee 2020. Si gaar ah waxaan amaan ugu jeedinayaa kabtankii kooxda ciyaar yahan Xamse, oo muujiyay deganaasho, dulqaad iyo dad isku wad si wada jirka kooxdu u waarto. Hasayeeshee, waxaa seegay reer Burco in aan dhexdooda laga arkin aragti ah, in ciyaartooyda lagu qaybiyo xilad iyo xabaadh. Xaqiiqada iyo xigmadu waxaa weeye in xidigaha ciyaartooyda lagu xusho, xirfadooda iyo hibooyinkooda mihnadeed.

  2. Купить латексные перчатки с фабрики в Китае. Цена за упаковку от 610 р/50 пар., Компания Азия-Трейдинг, Екатерина тел. 88006005854

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW