U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shirka Amniga Amarna Siiyey Ciidammda Xoogga iyo AMISOM

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga dalka, iyo dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.
Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo taliska ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo caasimadda, taas oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa gabangabadii shirka faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda Muqdisho oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya.
Ugu dambayn Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan, waxaana uu  ciidamada xoogga iyo AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab ugu baaqay inay sii wadaan howlgallada xoreynta ah.
Goobjoog News