U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Lakulmay Guddiga FEIT iyo kan Gobollada Waqooyi Ee SEIT

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomqqliya Maxamed Xuseen Rooble atya lakulmay gudiga doorashooyinka heer faderaal (FEIT) iyo Gobollada waqooyi SEIT isago ka dhagaystay warbixino la xiriira doorashada.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble aya ku adkeeyay guddiga FEIT dardargalinta doorashada aqalka hoose ee dalka, si gaar ahna Guddiga SEIT ee Gibollada waqooyi ayuu faray inay bilaabaan Doorashada Aqalka hoose ee Soomaalild.

 

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT), taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland” aya lagu yiri war qoraal ah oo kaso baxay xafiiska Rooble.

 

GOOBJOOG NEWS.