U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Lakulmay Taliska Booliska Soomaaliya Iyo Amisom

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ENG Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir gudoomiyay kulan heerkiisu sarreeyo, oo a kasoo qeyb galeen saraakiisha ugu sareysa booliska amisom iyoTaliska booliska Soomaaliya.

 

Kulankan oo ka dhacay xafiiska rooble waxa goobjoog ka ahaa Taliyaha booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Cabdi Maxamed xijaar iyo gudoonka Guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, waxana looga wada hadlay sugitaanka amniga doorashada aqalka sare ee Gobollada waqooyi.

“Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland),ayaa kala hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa” ayaa lagu war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

GOOBJOOG NEWS.